Nidaamka Aala-Sucuud ayaa qaatay tallaabo adag oo ka dhan ah qaar kamid ah culimada taageersan siyaasadda nidaamkaas, balse meelaha qaar kaga fakar duwan.
Culimada xabsiga la dhigay waxaa ugu caansan Sheykh Salmaan Al-Cowda, Ciwad Al-Qarni, waxaana jira ducaad kale oo maalintii shalay xabsiga la dhigay iyadoona labada wadaad ee hore warka ah in la xiray uu soo baxay Shalay inkastoo loo maleynayo in maalintii Axadda xabsiga la dhigay.
Salmaan Al-Cowda ayaa kahor inta aan la xirin wuxuu bartiisa twitterka kusoo qoray qoraal uu Alle ku waydiisanayo inuu isku soo dumo dowladaha Qadar iyo Aala-Sucuud, saacado kadib markii uu soo baxay in Dhaxalsugaha Aala-Sucuud iyo boqorka Qadar ay khadka teleefanka ku wada hadleen markii ugu horeysay tan iyo markii ay is khilaafeen.
Culimada sidoo kale Xabsiga la dhigay waxaa kamid ah Sheykh Ibraahim Al-Xaarithi, Muxamed bin Cabdil-Casiis Al-Khadiiri, iyo Qaram Al-Biishi, waxaana ninkan dambe lagu heystaa qoraal uu twitterka 4 sano kahor uu ku amaanay wadaadka Muhaajirka ah ee ka dagaalama dalka Suuriya Cabdalla Al-Muxaysani.
Qaar kamid ah culimada la xiray waxaa lagu heystaa iyagoo u duceeyey Muslimiinta Rohingiya ee Barma lagu dhibaateynayo, waxaana arinta xusida mudan ay tahay in warbaahinta Aala-Sucuud ay Muslimiinta Baarma ku tilmaameen iney yihiin Xagjiriin qaswadayaal ah.
Shucuubta Carabta iyo guud ahaan kuwa Muslimiinta ayaa la yaabay tallaabadan Aala-Sucuud uu ku xiray culimada maamulkooda taageersan, iyadoo markii hore xariga uu ku koobnaan jiray oo kaliya culimada Rabaaniyiinta, waxaana muuqaneysa in culimadan taageerayaasha Aala-Sucuud ahaa uu Alle ka abaal mariyay waxay geysteen, maadaama qaarkood ay Nidaamka Aala-Sucuud ku dhiirageliyeen inuu xiro Culima Rabaaniyiin oo inkabadan 20 sano lagu dhibaateynayo xabsiyada sumcada xun ee Nidaamka Aala-Sucuud.