HomeAll newsXarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Toogatay Maxbuus Kenyaati ah oo ku jiray gacanteeda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Toogatay Maxbuus Kenyaati ah oo ku jiray gacanteeda.

Mu’assasada Al-Kataa’ib garabaka Warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal uu kasoo muuqanayo Maxbuus Kenyaati ah oo kamid ahaa maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii caan baxay ee Ceel-Cadde.

Maxbuuska Filimka kasoo muuqday waxaa lagu magacaabaa Leonard Maingi Kiiyo, wuxuuna dirayaa fariimo kala gedisan oo ku socoda dowladda Kenya gaar ahaan madaxweyanha Uhuru Kenyatta, iyo ahalkiisa.

Wuxuu si adag u eedeynayaa Uhuru Kenyatta oo uu sheegay inuu iska hilmaamay qadiyadda maxaabiista dagaal ee ku jira gacanta Mujaahidiinta, wuxuuna ku cataabay in loo dhoola cadeyn jiray markii uu ku hor gaardin jiray Uhuru.

Leonard wuxu sidoo kale fariin u diray warbaahinta Kenya oo iska indha tiraya xaqiiqda dagaalka Soomaaliya, islamarkaana gudbinayo warbixinno aan xaqiiqda ku saleysneyn.

Marka uu dhameysto Fariinta ayaa Dagaalyahan waji xiran oo katirsanXarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu ka tooganayaa Lenoard madaxa, taas oo durba keentay inuu halkaas ku quur baxo.

Gebegebada Filimka, ayaa dagaalyahanka gacantisa ku dilay Askariga wuxuu si adag ula hadlayaa ciidamada Kenya, kuwaas oo uu kula taliyay iney cararaan marka ay dagaallo kala kulmaan Mujaahidiinta haddii kalena ay sugeyso sidan oo kale, isagoo farta ku fiiqaya markaas Askariga ay Mujaahidiintu toogteen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular