HomeAll newsSarkaal katirsan Sirdoonka Itoobiya oo lagu dilay Howlgal gaar ah Oo ka...

Sarkaal katirsan Sirdoonka Itoobiya oo lagu dilay Howlgal gaar ah Oo ka dhacay Hiiraan.

Ciidamo si gaar ah u Tababaran oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah waxay ku dileen Sarkaal katirsan Sirdoonka Itoobiya, kadib markii ay Kamiin u dhigeen.

Howlgalkan gaarka ah wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo deegaan lagu magacaabo Far Libaax, waxaana Mujaahidiintu ay dileen Sarkaalka oo lagu magacaabo Bakistaan Axmed Tima-Jilec.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa sidoo kale iney qaateen Gaarigii uu watay Sarkaalka la Khaarijiyay.

Deegaanka Far Libaax ayaa dhawaan wuxuu marti geliyay weerar culus oo ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen malleeshiyaad katirsan Liyuu Booliiska Amxaaro kalkaalka ah, waxaana dagaalkaas ay Mujaahidiintu ku dileen tiro Malleeshiyaad ah iyagoona soo qanimeystya Agab milliteri oo kala gedisan.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular