HomeAll newsRag katirsan Kooxaha Difaaca Madaniga ee Suuriya oo lagu laayay gobolka Idlib.

Rag katirsan Kooxaha Difaaca Madaniga ee Suuriya oo lagu laayay gobolka Idlib.

Habeenimadii xalay ayaa koox hubeysan oo aan heebtooda la aqoonsan waxay magaalada Sarmiin ee gobolka Idlib waxay ku toogteen rag katirsan kooxaha difaaca madaniga ee marka duqeymuhu dhacaan u gurmada dadka Muslimiinta.

Kooxda hubeysan ayaa saq dhexe waxay gudaha u galeen xarunta kooxda difaaca madaniga, waxaana madaxa ay ka toogteen illaai yo 7 Ruux oo katirsanaa raga magaalada ka howlgala ee u gurmada Muslimiinta.

Kooxda  Weerarka fulisay waxaa markii ay dileen shaqaalaha Difaaca madaniga goobta ka qaateen dhamaan Agabyadii kala duwanaa ee goobta yaalay.

Shacabka Muslimka ah ee Suuriya qeybihiisa kala duwan ayaa aad uga xumaaday falkan naxdinta badan, waxaana la ogeyn illaa iyo hadda cida ka dambeysa gumaadkan.

Waxay codsadeen shacabka Suuriya in lagu dadaalo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxda weerarkan fulisay, islamarkaana loo hor keeni lahaa Garooska shareecada Islaamka.

Kooxda Difaaca madaniga waxay dalka Suuriya ka howl billaabeen sanadkii 2012, markii uu Nidaamku bilaabay duqeymaha aan loo meel dayin ee uu ku garaacayay dadka Muslimiinta, waxaana ay yihiin dad si mutadawacnimo u shaqeeya oo wax u badan u qabtay Shacabka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular