HomeAll newsQaraxyo ka dhacay Gobolka Baay oo lagu dilay Ciidamo Itoobiyaan ah.

Qaraxyo ka dhacay Gobolka Baay oo lagu dilay Ciidamo Itoobiyaan ah.

Labo Qarax oo aad u culus ayaa maanta lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Askar katirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan, kuwaas oo ku safrayay magaalada Baydhabo.

Ciidamada Itoobiyaanka iyo Askarta Soomaalida ee wada socoday ayaa dhowr maalin kahor waxay kasoo baxeen Waajid, waxayna kusii jeedaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Markii ay marayeen deegaanka Goof-guduu buurey ayaa lala eegtay Labo Qarax oo is xig xigay kuwaas oo dhulka lagu aasay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray Itoobiyaanka iyo ciidamada Soomaalida.

Ugu yaraan 3 Askari oo Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen Qaraxa, halka 4 kale oo katirsan Askarta ciidamada Koonfur Galbeedna ay goobta ku quur baxeen, waxaana jira dhaawacyo kale.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamadan lagu qarxiyay duleedka Waajid, halkaas oo looga dilay 4 Askari oo Itoobiyaan ah halka looga dhaawacay 2 kale.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa qaati ka taagan isku gudbinta Raashiinka iyo Sahayda, maadama wadooyinka ay fadhiyaan ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular