
Qaadiga Maxkamad ku taalla magaalada Kampla ee caasimadda dalka Yugaandha ayaa Xukun Xabsi daa’in ah wuxuu ku riday mid kamid ah culimada ducaada Muslimiinta ee ku dhaqan dalkaas.
Sheekh Muxamed Yoonis Kamooja oo ah madaxa Jamaacada Tabliiqa ee dalka Yugaandha oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xirnaa xabsiyada Booliiska xukuumadda Yuweri Muzeveni ayaa maanta lagu riday Xukun Xabsi daa’in ah.
Sheekha ayaa waxaa lala xukmay 3 Ruux oo kamid ah Xirtiisa, waxaana lagu eedayay iney yihiin ” Argagaxiso” oo loola jeedo Mujaahidiin.
Muslimiinta dalka Yugaandha ayaa aad uga xumaaday tallaabadan oo qeyb ka ah falalka ay dowladda Yugaandha ku caburineyso Muslimiinta kusii fidaya dalkaas dhaca baariga qaaradda Africa.
Mushrikiin muraad koodu waa u muuqdaaye
Muftiyada ridoobiyo iyaba muslim madhaafaane
Madaxyada hadaan laga gurayn maaro loowaaye
Mudkaa laga mudaa gaal xarbiya miijiyaa abide
Mahlakada kufriga lagu dhigana mahad Ilaah weeye