HomeAll newsKudhowaad 7 Askari oo lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Faransiiska.

Kudhowaad 7 Askari oo lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Faransiiska.

Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska waxaa uu ku waramayaa in halkaas  uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu qaaday ciidamo katirsan Booliiska wadankaas.

Weerarka oo loo adeegsaday Gaari waxaa fuliyay qof aan heybtiisa illaa iyo hadda la ogeyn, waxaana uu ka dhacay degmada Lovel Berry ee wuqooyiga caasimadda Faransiiska ee Paris.

Ugu yaraan 6 Askari oo katirsan ciidamada Booliiska ayaa ku dhaawacantay weerarkaas loo adeegsaday Gaariga ee lagu jiirsiiyay ciidamada Booliiska, waxaana 2 kamid ah dhaawacyadaas ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

Sarkaal u hadlay Booliiska Faransiiska wuxuu warbaahinta  u xaqiijiyay in weerarkaas uu ahaa mid si ula kac ah loogu soo qaaday ciidamadooda, isagoona intaa ku daray in uu baxsaday Ruuxa Weerarka fuliyay, ayna socoto baaritaanno lagu raadinayo Ruuxa weerarka geystay iyo Gaariga uu isticmaalay intuba.

Faransiiska waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro kaligii duulnimo ah, kuwaas oo lagu qaaday Ciidamada Faransiiska, waxaana dowladan ay qeyb ka tahay dolwadaha duulaanka ku ah Islaamka iyo Muslimiinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular