HomeAll newsKamiin Culus oo Gobolka Gedo loogu dhigay Ciidamo Xabashi ah.

Kamiin Culus oo Gobolka Gedo loogu dhigay Ciidamo Xabashi ah.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Weerar Jidgal ah u dhigay Kolonyo ciidamo Axmaaro ah oo ku socodaalayay wilaayada Islaamiga ee Gedo.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa kasoo baxay degmada Luuq, waxaana ay kusii jeedeen magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo, halkaas oo sanado  xiriir ah ay gumeysi ku heystaan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Kamiinka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qurac Siin oo u dhexeeya Luuq iyo Garbahaarray, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamada Itoobiyaanka, inkastoo aanan cadad rasmi ah haynin.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wajahaya weeraro culus oo uga imaanaya dhanka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular