HomeAll newsIn Ka Badan 10 Askari oo Burundi Looga Dilay Sh/dhexe Labadii Maalmood...

In Ka Badan 10 Askari oo Burundi Looga Dilay Sh/dhexe Labadii Maalmood Ee Lasoo Dhaafay. (Dhageyso)

Ciidamada Burundi ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe ayaa wajahaya dhibaato adag, kuwaasoo tallaabadi ay qaadaanba la kulmaya dagaal khasaarihiisa wata.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shalay iyo dorraad Burundiga ku weeraray degaano hoos taga degmada Mahadaay, halkaasoo loogu geystay khasaarooyin kala duwan.

Dorraad waxaa laga gubay labo gaaro iyadoo sidoo kale laga dilay lix askari, halka shalay oo Isniin ahayd laga gubay hal gaari oo xamuul ah kaasoo ay ku dhinteen afar askari oo saarnaa.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degaanada lagu weeraray Burundiga ayaa inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay gaadiidka ciidamada shisheeye laga gubay iyo qaar kamid ah xubnaha jirkooda oo ay meesha uga carareen.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney aad ugu dhib qabaan ciidamada shisheeye iyo maamulka magaalada Jowhar oo uu ku eedeeyay iney dadka shacabka ah ka qaataan lacago baad ah, taasoo ay dheer tahay in qofka lagu ugaarsanayo diintiisa iyo cibaadadiisa.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Mid Kamid Ah Dadka Degaanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular