HomeAll newsGudoomiyihii Leego: "Amisom Iima Sheegin Marki Ay Baxayeen Waana La Isoo Bursaday"...

Gudoomiyihii Leego: “Amisom Iima Sheegin Marki Ay Baxayeen Waana La Isoo Bursaday” (Dhageyso)

Gudoomiyihii degaanka Leego ee DF, Abuukar C/llhi Isaaq oo aan wareysanay ayaa ka war bixiyay xaaladda degaanka iyo sababta keentay in sadax maalmood kadib weerarkii Golweyn ay ka baxaan ciidamada shisheeye.

Wuxuu sheegay inaaney saraakiisha shisheeye ee Uganda kusoo war galin iney magaalada ka baxayaan, balse uu si duul duul ah ku maqlay islamarkaana uu haatan ka naxsan yahay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maamulayaan magaalada.

Wuxuu intaasi ku daran in ciidamadiisii ay iyaguna raaceen askarta shisheeye. Mar aan weydiinay jagada hadda kadib lagu magacaabayo maadaama maamulkii Leego ay la wareegeen Al-Shabaab ayaa waxa uu sheegay in lasoo eryaday laakin aanan laga qaadin jagada sidaa darteedna uu yahay gudoomiye!

Halkan Ka Degso Wareysiga Gudoomiyaha Leego

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular