HomeAll newsGaari Xamuul ah oo Ciidamada Itoobiya looga gubay Gobollada Baay iyo Bakool.

Gaari Xamuul ah oo Ciidamada Itoobiya looga gubay Gobollada Baay iyo Bakool.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku  safrayay wadada xiriirisa magaalooyinka Waajid ee gobolka Bakool iyo Baydhabo ee Baay ayaa la kulmay weerar xoogan oo loo adeegsaday Qarax, kaas oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Gaari Xamuul ah oo ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah ayuu Qaruxu haleelay, waxaana durba goobta ku burburay Gaariga iyadoona Ciidamadii  saarnaa ay dhimasho iyo dhaawac ay noqdeen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo aan ku kalsoonaan karno, waxaa Qaraxa ku dhintay 4 Askari oo Itoobiyaan ah halka dhaawacyo garaab ah soo gaareen labo kale.

Guud ahaan ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa qaati ka taagan isticmaalida wadooyinka isku xira magaalooyinka ay gumeysiga ku joogaan, maadaama dhulka howdka ah ee isku  xira magaalooyinka ay saldhigteen ciidamada Mujaahidiinta oo weeraro gaadmo ah u dhiga ciidamada Shisheeyaha.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan magaalooyin kamid ah gobollada Baay iyo Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka, waxaana ay la kulmayaan silsilado weeraro ah oo gallaaftay nolosha Tobanaan Askari oo ciidamadooda katirsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular