HomeAll newsDowladda Imaaraatka oo Shaacisay in 4 Sarkaal uga dhimatay dalka Yaman, kadib...

Dowladda Imaaraatka oo Shaacisay in 4 Sarkaal uga dhimatay dalka Yaman, kadib markii Diyuurad ay la dhacday.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo  baxay dowladda Imaaraatka, waxaa saacadihii lasoo dhaafay dalka Yaman ku burburay diyuurad nooca Hellecopterka ah oo ay leedahay dowladda Imaaraatka Carabta oo qeyb ka ah isbaheysi ay hogaamineyso Aala-Sucuud oo howlgallo milliteri ka wada dalkaas.

Wakaaladda wararka ee Imaaraatka waxay sheegtay in diyaaradda ay si qasab ah ugu dhacday meel kamid ah dalka Yaman, kadib markii ay lasoo gudboonaatay cillad dhanka farsmada ah, waxaana ay xaqiijisay iney ku dhinteen illaa iyo 4 Sarkaal.

Magacyada Saraakiisha ku dhimatay burburka diyaaradaas ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Khaliifa Al-Baluushi, Jaamis Saalax, Muxamed Siciid iyo Samiir Muxamed.

Warbaahinta dalka Yaman oo soo xiganaya Goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaradan ay kuso dhacday deegaanka Al-Rowda ee gobolka Shabwah, halkaas oo diyaaradaha dowladda Imaaraatka ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Mujaahidiinta Al-Qaacida, waxaana nooca diyaaradda soo dhacday ay Goob joogayaal sheegeen iney tahay Abatshi, balse Imaaraatku waxay sheegeen iney ahayd Hellecopter.

Dalka Yaman ayaa waxaa ka socoda howlgallo ay hogaamineyso Aala-Sucuud oo markii hore lagu sheegay in lagu bacsanayo Xuuthiyiinta, balse haatan waxaa muuqaneysa in dowladahaas dagaalka ugu weyn ay ku hayaan Mujaahidiinta iyo Qabaa’ilka muslimiinta ee is garab taagay Mujaahidinta.

Dhawaan ayay ahayad markii dowladda Imaaraatka ay qafaashtay qoysas muslimiin ah oo kasoo jeeda qabiilka Cawaaliqda ee dega dalka Yaman, laman oga halka ay la aadeen, war kasoo baxay qabiilkana wuxuu ku hanjabay in jawaab adag uu k bixin doono xadgudubkaas ay Imaaraatku geysteen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular