Qaar kamid ah culimada ku dhaqan Somaliland ayaa si kulul uga hadlay Kaniisadda todobaadkii lasoo dhaafay laga dhisay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Wuqooyi galbeed.
Culimadan oo ay kamid yihiin Sh/Aadan Sunne oo jooga Hargeysa iyo Sheekh Deheeye oo ku sugan Boorame ayaa sheegay inaaney shareecada islaamku ku bannaanayn in Kaniisad laga dhiso dhul muslimiintu leeyihiin.
Halkan Ka Dhageyso Sh. Aadan Sunne
Halkan Ka Dhageyso Sheekh Xasan Deheeye
Sidoo kale bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa dareen caro leh ka muujiyay in xilligan Kaniisad laga dhiso magaalada Hargeysa, waxaana ay ka digeen halista ka iman karta haddii ay sii furnaato.
Qaar kamid ah dad weynaha ayaa sheegay iney la yaaban yihiin maamulka Somaliland oo ay maanta xaaladdiisu gaartay inuu aqoonsi shisheeye ku raadsado Kaniisad laga furo magaalada Hargeysa.