Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay saaka toogteen taliye ku-xigeenkii saldhigga dhexe ee magaalada.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi-dheere ayaa waxaa la toogtay xilli uu hawl maalmeedkiisa sii amba qaadayay, waxaana dhacdada kadib goobta gaaray askar careysan kuwaasoo oo qaaday meydkiisa.
Maalintii shalay ayay ahayd markii isla magaaladan lagu dilay nin xubin ka ahaa ciidamada PIS-ta oo ay dadku u yaqaanaan ashahaado la dirirka, kaasoo isna la oran jiray Maxamad Barasho. Waxaa kasii horeeyay oo isla Boosaaso lagu dilay gudoomiye ku-xigeenkii gobolka Bari Khalar Bun-cun.
Magaalada Boosaaso ayaa u muuqanayso mid ay ku bateen weerarada ka dhanka ah saraakiisha iyo ciidamada maamulka Puntland. Umuurahan ayaa kusoo aaday xilli uu mid kamid ah saraakiisha maamulka Gaas sheegay iney sir-doon ahaan u liitaan.