Qarax aad u culus ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday goob isu imaatin ah oo ay joogeen saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada iyo kuwa xabsiga.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaruxu uu gallaaftay nolosha saraakiil iyo ciidamo, waxaana xabsiga ka dhaxay baqdin iyo kala carar, iyadoo muddo kadib dhacdadana la daabulay meydadka iyo dhaawacyada.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, mana jiro wax war ah oo dhanka kale ee dowladda kasoo baxay.
Maalintii shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha DF sheegay inaaney iyaga kaliya ku filneyn ka hor tagga weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo taageero ka dalbanayay shacabka oo maalmihii ugu dambeeyay ku kacdoonsanaa.