Dalka Afqaanistaan waxaa weli ka socoda howlgallada iyo camaliyaadka ka dhanka ah ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalkaas muslimka ah, kuwaas oo ay fulinayaan ciidamada Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan.
Guutada Qaraxyada ee Imaarada Islaamiga ayaa ku guuleystay iney qarax culus la eegato gaari Taangi ah oo ay saarnaayeen tiro ciidamo Ameerikaan ah, kuwaas oo marayay duleedka saldhiga Bagram oo ah saldhiga ugu weyn ee Shisheeyuhu ku leeyihiin dalka Afqaansitaan.
Qarax lagu aasay hareeraha wadada ayaa mar qur ah qabsaday Gaari Taangi ah, waxaana halkaas gebi ahaanba ku burburay Taangiga, iyadoona lagu diley 4 Askari oo Ameerikaan ah oo saarnaa Taangiga.
War kasoo baxay Imaarada Islaamiga laguna baahiyay barteeda Telegramka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu ka dhacay tuulada Qalca Nasruu ee duleedka saldhiga Bagram ee go bolka Barawaan.
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee gaaraya ciiidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Afqaanistaan ayaa sii kordhaya, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Maraykanku qorsheynayo in ciidamadiisa uu gebi ahaanba kala baxo dalka Afqaanistaan oo dhowr iyo toban sano duulaan ay ku joogaan.