HomeAll newsCiidamo Itoobiyaan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Duleedka Diinsoor.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Duleedka Diinsoor.

Sida ay inoo xaqiijiyen dad Xog ogaal ah, ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiyaanka ee la dilay oo tiradoodu gaareyso illaa iyo 4 Askari waxaa ku jira Saraakiil Miina baarayaal ah kuwaas oo isku dayay iney fur furaan Miino lagu aasay hareerah wadada.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u culus, islamarkaana laga maqlay nawaaxiga halka uu ka dhacay.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii uu Qaruxu qabsaday kadib waxay rasaas u rideen Jihooyinka, iyagoona hakad uu ku yimid socodkooda.

Maalmahan waxaa gobollada Baay iyo Bakool kusii kordhaya howlgallada milliteri ee ay fulinayaan ciidamada Mujaahidiinta ee lagu beegsanayo Xabashida duulaanka ku joogta dalkeena Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular