HomeAll newsWeerar Nafhurnimo oo ka dhacay magaalada Kaabul ee dalka Afqaanistaan.

Weerar Nafhurnimo oo ka dhacay magaalada Kaabul ee dalka Afqaanistaan.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa weerar Nafhurnimo wuxuu ka dhacay magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afqaanistaan.

Weerarkan oo ahaa mid culus oo laga maqlay inta badan magaalada Kaabul waxaa lala eegtay saraakiil katirsan sirdoonka xukuumadda Kaabul, gaar ahaan saraakiisha qaabilsan tacdiibinta dadka Muslimiinta iyo Mujaahidiinta ee xabsiyada xukuumadda Kaabul ku jira.

Sida uu sheegay Afhayeenka Imaarada Islaamiga Dabiixullaahil Mujaahid, Istish-haadi lagu magacaabo Axmed oo kaxeynayay gaari qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa beegsaday labo gaari oo ay saarnaayeen saraakiil gaareysa 37 Ruux oo katirsan sirdoonka Kaabul.

Guud ahaan saraakiisha ayaa goobtaas lagu dilay, waxaana burburay labadii gaari ee ay wateen, iyadoona goobta saacado kadib ay soo gaareen malleeshiyaad katirsan xukuumadda Kaabul iyo gawaarida caafimaadka oo daabulay meydadka.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waxay sheegtay in weerarkan uu Aargud u yahay guud ahaan dadka muslimiinta ee lagu dhibaateynayo xabsiyada xukuumadda taagta daran ee Kaabul.

Qorshaha weerarkan ayaa socday muda labo bilood oo xiriir ah, sida uu sheegay Afhayeenka Imaarada, waxaana intaas ay Mujaahidiintu si aad ah u ilaalinayaan dhaq-dhaqaqa saraakiishan, saaka ayaana gebi ahaantooda la laayay iyagoo kusii jeeda madaxtooyada magaalada Kaabul.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa dardar ku wada howlgalka Al-Mansuuriya oo gugan si aan horey loo arag uga socoda dhamaan gobollada kala duwan ee dalkaas, waxaana sii kordhey khasaaraha gaaraya shisheeyaha iyo kuwa la socoda, iyadoona Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo cusub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular