Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in gobolkaas lagu dilay Askar katirsan maamulka Itoobiya ay ka dhistay gobolladaas eeKoonfur galbeed.
Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan maamulka Shariif ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buunda-madow oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo.
Qarax culus ayaa lala eegtay Askartan, waxaana durba goobta ku dhintay 4 Askari.
Askarta la laayay ayaa kasoo baxay magaalada Baydhabo waxaana ay kusii jeedeen deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 20KM kaga beegan jihada bari magaalada Baydhabo.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu laayay askarta Shariif Sakiin.