HomeAll newsKhasaaraha Ciidamada Uganda Ku Gaaray Dagaalkii Shalay oo Kordhay, dhimashada oo gaartay...

Khasaaraha Ciidamada Uganda Ku Gaaray Dagaalkii Shalay oo Kordhay, dhimashada oo gaartay 53.

Khasaaraha ciidamada shisheeye kasoo gaaray dagaalkii shalay ku qabsaday degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sii kordhay, iyadoo dhimashadu ay mareyso 53 askari sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo aad loogu kalsoon yahay.

Labo kamid ah 53-da askari waa Soomaali ka tirsanaa askarta DF kuwaasoo ciidamada shisheeye ku caawinayay iney wadooyinka tusiyaan, halka 51-da kale u dhasheen wadanka Uganda.

7-Kamid ah waa saraakiil sar sare oo isla dalkaasi Uganda kasoo jeeda, sida uu shirkiisii jaraa’id ee xalay ku sheegay Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Cali Dheere.

Haddaba hadalo kala duwan oo kasoo baxay taliska ciidamada shisheeye, dowladda Uganda iyo DF ayaa waxay si cad uga marqaati kacayaan inuu aad u badan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay.

Haddaanu ku hormarno dowladda Uganda, war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda difaaca ee dalkaas ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarkaas ciidamada Uganda looga dilay 12 Askari 7 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Qaar kamid ah askar dhaawacyo fufuf qabay oo orod uga soo baxsaday fagaaraha dagaalka ayaa waxaa la geeyay isbitalka heerka 2-aad ee ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Uganda oo lagu magacaabo Richard Karemire ayaa isna sheegay in weerarkaas uu ahaa mid gaadmo ah oo si lama filaan ah loogu qaaday ciidamadooda.

Intaa waxa dheer in DF ay iyana dhankeeda ka hadashay khasaaraha isi soo taraya ee gaaray ciidamada Uganda. Gudoomiye ku-xigeenka Sh/hoose, Cali Nuur ayaa wuxuu sheegay iney hubaan in 23 askari laga dilay shisheeyaha, kuwaasoo uu xusay inuu kamid ahaa hal askari oo ka tirsan DF.

Sidoo kale taliska ciidamada shisheeye ee la baxay Amisom ayaa si aanan xishood lahayn u sheegay war lala yaabay, oo waxay ku nuux-nuuxsadeen in weerarkii shalay looga dhaawacay labo askari oo kaliya!

Askarta Uganda oo ah hogaanka shisheeyaha afrikaanta ah ee kusoo duulay wadanka, sannado ka horna isku arkay iney ka libaaxsan yihiin saaxiibadood Burundi, Itoobiya iyo kuwa kale ayaa waxay haatan u muuqdan iney iyagu ugu liitaan, marba haddii hal weerar oo waliba dhabbaha ah looga dilay askar badan oo ay ku jiraan 7 sarkaal.

Tan iyo markii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab bilowday weerarada noocan eek u durdurinta ah ayaa waxay madaxda dowladda federalku go’aansadeen inaaney ciidamada shisheeye u raacin meel ka baxsan magaalada Muqdisho, halka markii hore Xassan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmad isku biimeyn jireen iney socdaal lugta ah ku aadaan Marko, Jowhar, Baydhabo iyo magaalooyinka lamidka ah.

Xaaladda dhabka ah ee ciidamada shisheeye ayaa waxay maanta mareysaa iney saadka isku gudbin waayaan, iskuna gurman waayaan.

Isku soo wada duuboo dhacdadii shalay ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo maalmo ka hor uu taliska ciidamada shisheeyaha sheegay iney dhowr bilood kadib billaabayaan iney isaga tagaan dalka Soomaaliya. Usbuuci lasoo dhaafayna Mareykanka ayaa dhaleeceyn kala dul dhacay isagoo ku eedeeyay iney fashilmeen, taasna ay fursad horumar ah u noqotay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular