Dagaal barqinimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Buula-Mareer ee Shabeellaha hoose islamarkaana soo gaaray illaa duhurnimadii maanta oo u dhexeeyay ciidamada Shisheeyaha iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa laga helayaa faafaahin horudhac ah.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan la hadlay waxay xaqiijiyeen in ugu yaraan 39 Askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha lagu dilay dagaalkan kamiinka ku billowday balse sii xoogeystay, iyadoona ay jiraan dhaawacyo farabadan.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay adeegsadeen miinooyin dhulka lagu aasay, kuwaas oo lagu qarxiyay qaar kamid ah gawaarida Shisheeyaha.
Ciidamada Shisheeyaha ayaa meydadka askartooda dagaalka lagu dilay waxay uga carareen halka lagu dagaallamay, waxaana lasoo sheegayaa in la arkayo meydad daadsan howdka iyo wadadada isku xirta Buula-Mareer iyo Golweyn.
الله أكبر يا لها من نصر وسرور
اللهم أعز الإسلام والمسلمين وإذل الشرك والمشركين في كل مكان وزمان اللهم عافي مبتلى المسلمين اللهم آمين يا رب العالمين
ad ban ugu faraxsanahay Janna soogaarey gaalada
jabka again kawadaa
gacantiin ma go’do,