Waxaa sii kordhaya tirada dhimashada ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Afqaanistaan maalmihii ugu dambeeyay kadib markii ay sii bateen weerarada Jihaadiga ee ay qaadayaan dagaalyahannada Imaarada islaamiga ee Dhaalibaan.
Guud ahaan gobollada kala duwan ee Afqaanistaan waxaa ka dhacaya dagaallo waaweyn, kuwaas oo Ciidamada Imaaradu kula wareegeen dhul ballaaran oo katirsan dalka Afqaanistaan, waxaana barbar socoda tirade dhimashada ciidmaada Maraykanka iyo kuwa Naato oo sii kordheysa.
Weerar maalintii shalay ka dhacay gobolka Qunduuz waxaa lagu dilay tiro ciidamo Ameerikaan ah oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socoda dalkaas.
Mujaahid katirsan Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan oo in muda ah isku dhex qarinayay malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul ayaa rasaas ooda uga qaaday ciidamo Ameerikaan ah oo ku sugnaa deegaano hoos yimaada magaalada Qunduuz ee caasimadda gobolkaas.
Ugu yaraan 3 Askari oo Ameerikaan ah ayuu mujaahidkaas goobta ku diley, isagoona markii dambe ku shahiiday halkaas, kadib markii ay soo rasaaseeyeen malleeshiyaad ka ag dhawaa goobta.
Howlgalka kadib, waxay ciidamada Maraykanka iyo malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul isaga carareen deegaanka, iyadoona ciidamada Imaaradu ay la wareegeen deegaanka.
Imaarada Islaamiga ayaa dar dar dhanka dagaalka ah waxay kawadaa guud ahaan gobollada dalka Afqaanistaan, waxaana qubanaya dhiiga soo duuliyaasha dalkaas ku sugan ee kasoo horjeeda ku dhaqanka Shareecada Islaamka.