Askar ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku qalabeysan hubka culus iyo midka fudud ayaa habeenkii xalay weeraray fariisin ay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xasilinta ku leeyihiin isgoyska Xararyaale ee degmada Wardhiigley.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in iska hor imaad kulul uu goobta ka dhacay kaasoo aan illaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay marka laga reebo burbur iyo raasadki dagaalka oo ka muuqday difaacyada iyo xarunta ciidamada dowladda.
Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa dorraad sheegay in qaraxyada iyo weeraradu ku yaraadeen magaalada Muqdisho, waxaana barqanimadii shalay uu qarax culus ka dhacay jidka Maka-almukarama, iyadoo xalayna uu dhacay weerarkan lagu qaaday isgoyska Xararyaale.