HomeAll newsQarax Aad U Weyn oo Muqdisho Ka Dhacay.

Qarax Aad U Weyn oo Muqdisho Ka Dhacay.

Qarax aad u culus oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga dekedda, kaasoo lala beegsaday xubno dowladda ka tirsan.

Wararka horudhaca ay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaari lasoo miineeyay, kaasoo aan illaa iyo hadda la ogeyn in uu qof kaxaynayay iyo in kale.

Qof aan sidaa uga fogeyn halka uu qaruxu ka dhacay ayaa sheegay in ay goobta soo gaarayaan gaadiidka gurmadka iyo ciidamo dowladda ka tirsan si ay meydadka iyo dhaawacyada u qaadaan.

Weerarkan ayaa waxa niyad jab ku yahay ciidamada dowladda oo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday hawl gal ay ugu magac dareen xasilinta caasimadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular