HomeAll newsAlshabaab oo saaka Dagaal Kula wareegay Goofgaduud.

Alshabaab oo saaka Dagaal Kula wareegay Goofgaduud.

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bay ayaa ku waramaya in saaka salaadii subax kadib uu dagaal xoogan ka qarxay deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo qiyaastii  30 KM ujira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.

Ciidamo xoogan oo katirsan xarakada Alshabaab ayaa dhowr jaha ka weeraray magaalada.

Waxaa usuurtagashay inay la wareegeen xero ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka koonfur galbeed ee uu madaxda uyahay Shariif Xasan.

Ilo wareedyo ayaa Alfurqaan uxaqiijiyay in Ciidamada Shariif ay ucarareen dhanka Baydhabo,waxaana soo gaaray qasaaro xoogan oo isugu jira mid nafeed iyo mid hanti.

Keydkii raashinka ay isticmaalayeen Ciidamada ayaa guud ahaan ugacan galay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Saraakiil katirsan Shabaabka ayaa Goof gaduud shabeelow waxay kula hadleen dadka ku dhaqan deegaanka.

La soco wixii nagu soo kordhaa inshaa allaah. 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular