Waaliga Wilaayada Islaamiga Banaadir Sheekh Cali Jabal oo waraysi siiyay idaacadda ku hadasha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Andalus ayaa ka hadlay dabkii dhawaan ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Sheekh Cali ayaa sheegay ineysan ahayn markii ugu horreysay oo uu gubto Suuqa Bakaaraha, waxaana uu sheegay in dhibaatadan ay tahay waxay Insaanku gacantooda ku kasbadeen.
Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay Sheekhu in Allaah ay ka baryayaan in dadkii ku hanti beelay gubashadaaas uu bedel wanaagsan siiyo.
Si guud Sheekh Cali Jabal wuxuu sheegay in dhibaatooyinkan dhacaya ay ku lug lahayn cadowga Umadda Soomaaliyeed.
Wilaayada Banaadir ayaa ugu baaqday dadka Muslimiinta in ganacsatadii ku hanti beeshay dabka ka kacay Bakaaro loo gurmado, islamarkaana la is garab taago.
Dhagayso Wareysi Sheekh CaliJabal oo ka hadlay dabkii dhawaan ka kacay Bakaaro.