HomeAll newsShil Gaari oo khasaare dhaliyay oo ka dhacay dalka Iiraan.

Shil Gaari oo khasaare dhaliyay oo ka dhacay dalka Iiraan.

Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay dalkaas saacadihii lasoo dhaafay uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan Gaari ayaa ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Mash-had iyo Naysaabuur ee dalka Iiraan, waxaana isku dhacay gawaari kor u dhaafaya 100.

Saraakiil katirsan wasaaradda gaadiidka xukuumadda Iiraan ayaa xaqiijiyay in  shilkan ay ku dhinteen hal ruux, halka kudhowaad 60 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana jira kuwa xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Dalka Iiraan waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan shilalka baabuurta, waxaana qiyaas la sameeyay lagu ogaaday sanadkiiba dalka Iiraan ku geeriyooda kumanaan ruux kuwaas oo ku dhinta shilal ka dhaca wadooyinka, waxaana loo aaneeyaa wadooyinka oo burbursan, iyo darawalada gawaarida oo aan laazimin xeerarka wadooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular