Munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay dowro diini ah oo muddo dhowr todobaad u socotay 24 kamid ah salaadiinta beelaha Soomaaliyeed, ayaa usbuucan ka dhacday gobolka Sh/hoose.
Mas’uuliyiin, culimaa’udiin, salaadiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda, iyadoo lagu soo bandhigay khudbado iyo suugaan ka tarjumeysa xaaladda wadanka iyo dowrka salaadiinta qabaa’ilka.
Sheekh Xuseyn Cali Fiidow oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sheekh Abuu Usaama oo xafladda ka hadlay, ayaa si isku mid ah ula dardaarmay indheer garadka, iyagoo dhanka kale uga mahad celiyay sida ay iyaga iyo beelohooduba u garab taagan yihiin mujaahidiinta.
Sidoo kale waxaa munaasabadda kalimado ka jeediyay salaadiinta beelaha, kuwaasoo dhammaantood sitay hubkooda, sidoo kalana xirnaa dharka ciidanka Milatariga, waxana ka mahad celiyeen dowrada diiniga ah ee la siiyay iyo sida loo maamuusay, iyagoo wacad ku maray iney kasoo bixi doonaan ballamo ay la galeen mujaahidiinta oo la xiriira samata bixinta wadanka.
Halkan waxaan idinku soo gudbineynaa dhammaan sawirada munaasabadda iyo codadka mas’uuliyiinta, halka kalimadaha culimada iyo salaadiinta aan idiin soo gudbin doonno maalmaha soo socda insha’allaah.
Halkan Ka Dhageyso Sheekh Xuseyn Cali Fiidow
Halkan Ka Dhageyso Waaliga Sh/hoose