HomeAll newsSawirro: Soomaali ku dhamaatay duqeyn ka dhacday dalka Yaman.

Sawirro: Soomaali ku dhamaatay duqeyn ka dhacday dalka Yaman.

Diyaaradaha dowladaha Carabta ee duqeymaha kawada dalka Yaman ayaa duqeeyey doon ay saarnaayeen inkabadan 100 Ruux oo u badnaa dad Soomaali ah kuwaas oo ka tagay dalka Yaman kuna sii jeeday dalka Suudaan.

Dadka la duqeeyay oo ahaa Qaxooti  Soomaali oo watay aqoonsiga hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga ayaa saarnaa doon yar, waxaana gantaal ku dhuftay diyaarad nooca Abatsh ah oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ay u beegsatay doontan shacabka siday.

Ugu yaraan 40 Ruux oo Soomaali ah una badan dumar iyo Caruur ayaa geeriyooday, waxaana jira dhaawacyo kale kuwaas oo la keenay magaala xeebeedka Al-Xudeyda oo ah halka ay markii hore dadkan ka ambabaxeen kuna taalla dalka Yaman.

Sawirro la soo qaaday waxay muujinayaan meydad is garab yaala oo ay caruur ku jiraan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular