Jamciyadda kheyriga ee Al-Ixsaan ayaa gurmad la gaartay degmada Kurtun-Waaray oo kamid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose.
Waxaa degmada ku nool dad ku saamoobay Abaaraha, islamarkaana ka yimid deegaanno hoosyimaada Kurtun-Waaray.
Dhawaan ayaa Jamciyadu waxay degmadaas Raashiin ugu qeybisay dad cadadoodu gaareyso 214 Ruux.