Uhuru Kenyatta oo ah madaxweynaha dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay wuxuu booqasho ugu yimid ciidamadiisa duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya oo wajahaya xaalad adag oo dhan kasta ah.
Imaanshaha Kenyatta oo aan horey loo sii shaacin islamarkaana la qarinayay sabbo la xiriira cabsi laga qabo in Madaxweynuhu la kulmo weeraro uga yimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu kula kulmay Saraakiil iyo Ciidamo katirsan kuwa Kenya ee jooga Soomaaliya.
Uhuru wuxuu Diyaarad Hellicopter ah ku yimid degmada Dhooblay ee u dhow xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, ahna taliska ugu weyn ee Ciidamada Kenya ee Soomaaliya, waxaana halkaas uu kula hadlay ciidamadiisa.
Kenyatta wuxuu sheegay in ciidamadooda ay kala baxayaan dalka Soomaaliya marka la dhiso ciidamo Soomaali ah oo awood leh sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu Ciidamadiisa ku qannciyay in joogitaankooda Soomaaliya ay ku badbaadinayaan muwaadiniin badan oo Kenyaati ah oo uu sheegay iney halis kala kulmayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, balse inkastoo Kenyatigu weli joogaan Soomaaliya hadana weerarada ay Mujaahidiintu ka fulinayana gudaha Kenya waa kuwa sii socoda.
Waa booqashadii ugu horreysay oo uu Uhuru Kenyata kusoo booqdo ciidamadiisa dhibaatada adag kula kulmaya dalka Soomaaliya.