Madaxweynaha Maraykanka Donlad Trump ayaa waraysi uu siiyay mid kamida h Tvyada ugu caansan dalka Maraykanka, wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama.
Donald Trump ayaa ku eedayay Obama iyo teamkiisii hore ee shaqada iney ka dambeeyeen banaanbaxyada ka dhacay dalka Maraykanka markii talada dalkaas uu la wareegay Trump.
Wuxuu sheegay inuu hubo in Obama uu lug weyn ku leeyahay banaanbaxyadaas ka dhacay, wuxuuna arinkaas ku tilmaamay inay ku lug leedahay arimo siyaasadeed.
Donald Trump oo sii hadlaya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Obama iyo ragiisii hore ee shaqada in dolwadda Ruushka ay u tasriibiyeen macluumaadyo la xiriira amaanka Maraykanka, taasna ay dhib ku keeni karto amniga shacabkiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Trump ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay wuxuu jeediyay hadallo xanaf keenaya, kuwaas oo shacabka Maraykanka u kala qeybiyay labo qeybood, waxaana maalinba maalinta xigta uu ku hadaaqaa hadallo uu ku weeraryao siyaasiyiin, wariyaal iyo madax Reer Galbeed ah.