HomeAll newsDeg-deg: Qaraxyo lagu weerary Saraakiil katirsan Maamulka Puntland.

Deg-deg: Qaraxyo lagu weerary Saraakiil katirsan Maamulka Puntland.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in barqinimadii maanta Weerar qaraxyo loo adeegsaday lagu qaaday Saraakiil katirsan maxkamadda maamulka Puntaland ee gobolkaas.

Qaraxyada oo ahaa labo qarax, islamarkaana ahaa bambaanooyinka gacmaha laga tuuro ayaa lagu waramayaa iney gudaha u galeen xarunta maxkamadda.

Ciidamada Maamulka Puntland ee ku sugnaa dhismaha Maxkamadda ayaa qaraxyada kadib waxay jihooyin kala duwan u fureen rasaas.

Illaa iyo hadda ma hayno khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular