HomeAll newsDagaallo ka dhacay magaalada Baardheere.

Dagaallo ka dhacay magaalada Baardheere.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaal culus ku qaadeen fariisimo ciidamada gummeysiga Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere ee wilaayada Islaamiga Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan islamarkaana hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa socoday in muda ah, waxaana deryanka  hubka labada dhinac laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baardheere.

Waxaa la aaminsanyahay inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere,  balse Idaacadda Al-Furqaan weli ma helin xog faafahsan oo ku aadan arinkaas.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Jabhadda Wilaayada Islaamiga Gedo waxay weeraro ku qaadeen Garoonka magaalada Baardheere oo ah fariisin milliteri oo ciidamada Xabashidu ku suganyihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular