Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen fariisin milliteri oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaalada Baraawe.
Ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysnaa ayaa dagaal adag waxay la galeen kuwa dowladda, iyagoona ku qasbay iney ka cararaan goobta la weeraray, islamarkaana u baxsadaan dhanka saldhiga magaalada oo meel udhow difaacyo ay ku leeyihiin ciidamada Shisheeye.
Mujaahidiinta ayaa xasmiyay dagaalka, waxaana si buuxda ay ula wareegeen difaaca ay weerareen, iyagoona gacanta ku dhigay Agab Millitery, waxaana ay gubeen labo Gaari oo nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada dowladda.
Khasaare adag ayaa ciidamada dowladda ku gaaray dagaalkaas, waxaana dhimashadu ay kor u dhaafeysaa 10 Askari.
Waa weerarkii ugu cuslaa ee dhawaanahan ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadaan magaalada Baraawe oo ku jirta gumeysiga Shisheeyaha.