HomeAll newsBoqorka Kuweyt oo Booqasho ku tagay dalka Turkiga.

Boqorka Kuweyt oo Booqasho ku tagay dalka Turkiga.

Madaxweynaha dowladda Kuwyeyt Sabaax Axmed Al-Sabaax ayaa booqasho rasmi ah wuxuu ku yimid dalka Turkiga, kadib markii cazuumaad uu ka helay dhigiisa Turkiga.

Al-Sabaax ayaa caasimadda dalka Turkiga Ankara wuxuu kula kulmay madaxweynaha dalkaas Rajab Dhayib Ordogan iyo madax kale oo katirsan mas’uuliyiinta dalkaas.

Labada madaxweyne waxay kawada hadleen xiriirka labada dal, iyo sidii ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale intuba.

Kulmada madaxweynayaasha waxaa barbar socoda kulamo kale oo uu boqorka Kuweyt la yeelanayo madax kale oo katirsan dowladda Turkiga.

Marka ay dhamaadaan kulmadan waxaa lasoo saari doonaa heshiis ay wada gaaren labada dowladood.

Waxaa lagu wadaa in saddex maalmood oo xiriir ah uu Madaxweynaha Kuwety ku sugnaado dalka Turkiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular