Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay howlgal lagu dilay Sarkaaal katirsan maamulka dowladda Federaalka.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo CabdiRaxmaan Sheekh Axmed Calasoow ayaa ahaa Xoghaya maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Sarkaalkan waxaa lala dilay labo kamid ah Ilaaladiisa kuwaas oo xilliga la beegsanayay la saarnaa Baabuurka uu watay Xoghaya, waxaana sidoo kale jira gudoomiye waaxeed ku dhaawacmay howlgalkaas.
War kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay Sarkaalkan, waxaana Xarakadu ku hanjabtay iney sii wadi doonto beegsashada saraakiisha la shaqeysa Shisheeyaha.