HomeAll newsMaamulka Donald Turmp oo qorsheynaya in Ilaada Kacaanka Iiraan ay ku daraan...

Maamulka Donald Turmp oo qorsheynaya in Ilaada Kacaanka Iiraan ay ku daraan Liiska Argagaxisada.

Sida ay sheegeen Saraakiil sar sare oo katirsan maamulka kataliya dalka Maraykanka, Donald Trump madaxweynaha Maraykanka ayaa diraaseynaya qorshe la doonayo in liiska Argagasada Maraykanka loogu daro ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Qorshahan oo ay soo gudbiyeen saraakiil sar sare oo katirsan dowladda Maraykanka ayaa la sheegayaa in taageero xoogan uu ka dhex helay daa’irada maamulka Aqalka Cad.

Ku darista liiska Argagaxisada ee ciidanka Ilaalada Kacaanka haddii ay dhab noqoto waxay sare u qaadeysaa dagaalka dhanka afka ah ee ka dhexeeya dowladda Maraykanka iyo Donald Trump.

Donald Trump madaxweynaha Maraykanka ayaaa tan iyo markii uu xilka qabtay wuxuu jeediyay hadallo farabadan oo uu ku weerarayo dowladda Iiraan, waxaana uu ku hanjbay Trump in tallaabooyin ad adag uu ka qaadi doono dowladda Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular