HomeAll newsBooliiska Baxreyn oo la kulmay weerar xoogan.

Booliiska Baxreyn oo la kulmay weerar xoogan.

Wararka ka imaanaya dalka Baxreyn ayaa tibaaxaya in maalintii shalay oo Axad ahayd ay la kulmeen ciidamo katirsan Booliiska dalkaas weerar qarax ahaa, kaas oo sida muuqatay lagu aasey hareerta wadada laamiga ah.

Ciidamada la weeraray oo ku guda jiray roondo la sheegay in lagu sugayay Amaanka ayaa waxaa soo gaaray waxyeello kala duwan.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee Xukuumadda Manaama ayaa lagu qiray in Afar Askari oo Booliis ay dhaawacyo soo gaareen, iyadoona intaa lagu daray in xaaladooda caafimaad ay tahay mid degan.

Weerarada noocan ah ayaa kusoo badanaya dhawaanahan dalka Baxreyn, waxaana maalmo gudahood dhacay illaa Afar weerar oo khasaaro kala duwan geystay, waxaana la ogeyn jihooyinka dhabta ah ee weeraradan ka dambeeya.

Ciidamada Amaanka ayaa sheegay iney qabteen illaa 20 Ruux oo lagu raad joogay, islamarkaana ay ku eedayeen iney yihiin Argagaxiso, kuwaas oo kusoo tababartay dalalka Iiraan iyo Ciraaq.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular