19 askeri oo ka tirsanaa dowladda federaalka ah ayaa lagu dilay dagaalo xalay iyo saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka shabeelaha hoose oo ay ka mid yihiin Warmaxan iyo Tixsiile.
Ciidamo ka tirsan xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa qaaday weeraro culus iyadoo askar saakay isku dayday in ay kuwa la weeraray u gurmadaana qarax lala beegsaday.
Sadax ka mid ah askarta dhimatay ayaa la xaqiijiyay in ay saraakiil yihiin iyadoo ay jiraan ciidamo kale oo dhaawacyo soo gaareen.
Laba ka mid ah gaadiidkii ciidamada la weeraray lahaayeen ayaa la gubay waxaana xarakadu dagaalkaas ku furatay qoryo iyo saanad ciidan oo kale.
Tani waa fariintii koowaad ee xarakada mujaahidiinta alshabaab u dirtay madaxweynaha cusub ee asalkiisa Soomaaliga ah balse dhalashada Maraykanka haysta Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Walaac weyn ayaa haysta ciidamada dowladda federaalka ah ee jooga shabeelaha hoose iyagoo ka cabsi qaba inay la kulmaan weeraro lamid ah kuwii saaka iyo xalay qabsaday.