Waxaa weli soconaya dagaal xooogan oo ka socoda hotel Dayax oo ku yaala wadada Makka Al-Mukarama, kaas oo ay weerareen Inqimaasiyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Goordhow waxaa la maqlay Qarax culus oo aad u ruxay dhimsyaasha ku yaala nawaaxiga hotelka, waxaana uu noqonayaa Qarixii labaad ee ka dhaca hotelka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan, waxaana la aaminsanyahay in hotelka ay ku suganyihiin Saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka.
Qaraxa dhacay wax yeello intee la eg ayuu gaystay?