HomeAll newsDowladda Maraykanka oo shaacisay in Ruushka ay kala qeyb geli doonto duqeymaha...

Dowladda Maraykanka oo shaacisay in Ruushka ay kala qeyb geli doonto duqeymaha ay ka wado Suuriya.

Maamullka madxweynaha cusub ee dowladda Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyaya iney diyaar u yihiin in dowladda Ruushka ay kala qeyb galaan duqeymaha ay ka wado dalka Suuriya, kuwaas oo lagu xasuuqyo dadka shacabka Muslimiinta ee aan waxba galabsan.

Afhayeenka cusub ee Aqalka Cad Shon Spair ayaa sheegay in maamulka Trump uu diyaar u yahay inuu iskaashi dhanka fulinta duqeymaha Suuriya uu diyaar u yahay.

Mar ay Wariyaashu wax ka waydiiyeen sida ay suuragalka u tahay in Maraykanka uu kaashado Ruushka, ayuu Afhayeenku sheegay in loo baahanyahy in warka la cadeeyo. Waxaana uu intaa ku daray in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu kaashado dowlad kasta oo dagaal kula jirta Jihaadiyiinta.

Maamulka Trump ayaa wax badan ka gedisan kii isaga ka horeeyey ee Obama, waxaana madaxweynahan o lagu tilmaamo inuu yahay Cunsuri la filayaa in isbedello waaweyn oo dhanka mawaaqifta ah uu qaato maalmaha iyo bilooyinka soo socoda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular