HomeAll newsDEG-DEG: Qarax xoogan oo ruxay Muqdisho, iyo Rag hubeysan oo hotel ka...

DEG-DEG: Qarax xoogan oo ruxay Muqdisho, iyo Rag hubeysan oo hotel ka dhex dagaalamaya.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax aad u culus oo u muuqda inuu ahaa mid Nafhurnimo ah lagu weeraray mid kamid ah hotellada ugu caansan magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaaacadda Alfurqaan u sheegay in gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxo qarxa islamarkaana Naftii hore uu kaxeynayay uu beegsaday hotel Dayax oo ku yaala wadada halbowlaha ah ee Makka Al-Mukarrama.

Qaraxa kadib Rag hubeysan ayaa gudaha u galaya hotelka, waxaana la maqlayaa Rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan Ragga gudaha hotelka galay iyo ciidamada Bsta dowladda Federaalka.

Wixii kusoo kordha Weerarkan ka socoda magaalada Muqdisho waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular