Waxaa aad u kordhay khasaaraha ka dhashay dab habeenadii Jimcaha ahayd ka kacay goob lagu waday iney ka dhacdo xaflada ay isugu imaanayeen dad Ameerikaan ah.
Dabka oo ahaa mid xoogan islamarkaana si kedis ah ku kacay ayaa ka kacay dhismo ku yaala magaalada Auckland ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay ku socoday diyaar garow ku aadan in lagu dhigo xaflad miyuusig ah.
Booliiska magaalada ayaa xaqiijiyay in dabka uu ka kacay islamarkaana si deg deg ah lagu damin isagoona socoday dhowr saacadood oo xiriir ah, waxaana Booliisku sheegeen ineysan cadeyn Karin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dabkan iyo inuu yahay mid si ula kac ah loo sameeyay.
Ugu yaraan 36 ruux oo Maraykan ah ayaa ku dhintay dabkan kacay, waxaana jira dhaawcyo kale, iyadoona Booliisku sheegayaan in laga yaabo in dhimashadu ay gaarto 40 Ruux, waxaana jira maydad la aqoonsan kari la’yahay gubniinka awgeed.