HomeAll newsDowladda Masar oo Ciidamo ay ka joogaan dalka Suuriya.

Dowladda Masar oo Ciidamo ay ka joogaan dalka Suuriya.

122016792951842

Sida ay sheegayaan warbixinno lagu daabacay qaar katirsan warbaahinta Carbeed, waxaa Saraakiil sare oo la taliyaal ah kana socoda Xukuumadda Siisi ay ku suganyihiin dalka Suuriya, kuwaas oo oo Talooyin ciidan siiya malleeshiyaadka Nusayriyada.

Wargeyska Al-Akhbaar oo kasoo baxa dalka Lubnaan kana ag dhow ururka shiiciga ah ee Xisbullaata ayaa daabacay warbixin uu ku faafaahiyay joogitaanka Saraakiil sar sare oo katirsan Masar dalka Suuriya, kuwaas oo ku sugan talisyada Ciidamada Nusayriyada ee laga hago dagaalka ka socoda Suuriya.

Wargeyska oo soo xiganayo dad xog ogaal ah ayaa sheegay in Saraakiishan ay mudooyinkii dambe si xiriir ah usoo gaarayeen dalka Suuriya, iyadoona loo kala qaybiyay talisyada kala duwan ee ciidamada Nusayriyada, sida mid ku yaala magaalada Dimishiq, gobolka Ximis, Dhardhuusa iyo garoonka Tayfuur ee dalka Suuriya.

Saraakiishan ayaa khibardaha la dagaalanka Mujaahidiinta waxay la wadaagayaan kuwa Ruushka iyo Nidaamka, waxaana la filayaa sida wargeyska Al-Akhbaar uu sheegayo in maalmaha soo socoda ay dalka Suuriya soo gaaraan ciidamo iyo saraakili farabadan oo ku takhasusay la dagaalanka waxyaabaha qarxa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular