Dadka ku dhaqan deegaanada shareecada islaamka lagu mamulo ee Soomaaliya ka tirsan ayaa haysta nabad gelyo lagu kalsoonaa karo waxaana taasi sahashay in lagu tilaabsado horumaro dhinacyo kala duwan leh sida, wax soo saarka, ganacsiga iyo wax barashada.
Gobalka shabeelaha hoose magaalooyin iyo deegaano badan oo ka tirsan bulshada ku nool ayaa ka mid ah kuwa nasiibka u yeeshay in sharecada Islaamka lagu xukumo.
Qabaa’ilada gobalkaa ku nool ayaa waayadii dagaalada sokeeye ku tartami jiray daadinta dhiigga dadka muslimiinta ah ha yeeshee iminka waxaa lagu beratamayaaa barashada Diinta Islaamka.
Suldaan Ibraahim Maxamed Nuur oo ka mid ah hogaamiyaasah qabaa’ilada gobalka ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan wuxuu ku sheegay in ay guulo waa weyn ku tilaabsadeen.
Geesta kale wuxuu tilmaamay in dhibaatooyin amni xumo ugu horeyso ka jiraan deegaanada iyo magaalooyinka shabeelaha hoose ka tirsan ee ciidamada shisheeye iyo kaaliyaashodoa Soomaalida ahu ka taliyaan.