Sawiro laga soo qaaday meydkadka dad ciidamaada ugandha iyaga iyo gaarigii ay saarnaayeen ku gubeen ayaa ah kuwo murugo badan oo muujinaya habka cadawtooya leh ee loo dilay dadkaasi.
Ciidamada ugandha ayaa bas yar oo khudaar u waday magaalada baydhabo habeen hore ku gubay duleedka magaalada qoryooley ee shabeelah hoose gaar ahaan halka loo yaqaan xero labaad.
Halkaa waxaa ku qur baxay 6 ruux oo midu haweeney tahay waxana sawiradu muujinayaan meydad gubtay iyo gaariga oo waxyeela darani gaartay iyo khudaarti oo daadsan.
dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay uga murugeysan yihiin ficilkaan foosha xun waxaanay sheegayaan in askartaanu nabad ka ilaalin tahay.
Sidoo kale doraad ciidamada ugandha waxa ay deegaanka ceel wareegow oo isla shabeelaha hoose ka tirsan ku dileen hooyo iyo afar ruux oo ay dhashay oo sadaxu caruur tahay midna yahay wiil qaan gaar ah.
Ciidamada shisheeye ayaa caadeystay in ay xasuuqaan shacabaka soomaaliyeed iyadoo loo geliyay shaatiga waxa nabad ilaalinta loogu yeero.