HomeAll newsCiidamada Amisom oo 11 qof ku dilay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Amisom oo 11 qof ku dilay Gobalka Shabeelaha Hoose.

amisom11 qof oo afar kamid ah ay yihiin Caruur iyo Hooyo waayeel ah ayay ciidamada shisheeye  siyaabooyin kala duwan ugu dileen Gobalka Shabeelaha Hoose.

Gaari Homy ah oo ay la socdeen 6 ruux ayay shisheeyaha ku rasaaseeyeen tuulada xero labaad oo dhacda duleedka Magaalada Qoryooley ee Shabeelaha Hoose.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sida xasuuqa uu udhacay.

Wararka qaar waxa ay sheegeen in shisheeyaha ay istaajiyeen  gaariga kadibna ay kala degeen shacabka iyagoo toogtay dhamaantooda halka warar kalana ay sheegayaan in saban ay ku dhufteen gaariga.

dhacdo taasi ka duwan ayay ciidamada shisheeye shalay ka gaysteen deegaanka Ceelwareegow ee isla shabeelaha hoose katirsan.

Ciidamada shisheeya oo halkaasi qarax lagula eegtay ayaa goobta ku hakaday waxaana ay dileen afar caruur  iyo hooyo waayeel ah.

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah gobalada sida joogtada ah shisheeyuhu kaga gaystaan tacadiyada aysan jirin cid kula xisaabtanta marka loo eego dowladda Xasan Sheekh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular