Maxamuud Xasan Mushaarafa oo bishii Ramadaan ee aynu soo dhaafnay weerar khasaare baan dhaliyay ku qaaday xafiis ay ku sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil katirsan maamulka ka dhisan dalka Urdun ayaa lagu riday xukun dil toogasho ah.
War kasoo baxay maxkamadda qaabilsan arimaha Amaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed lagu riday xukun toogasho ah, maadaama uu dilay Saraakiil iyo Askar katirsan maamulka dalka Urdun, waxaana ay ku eedayeen inuu sidoo kale agaasimay weerar Argagaxiso.
Waxay Maxkamadu sidoo kale xabsi gaaraya hal sano ku riday nin kale oo isguna lagu eedayay inuu lug ku lahaa qadiyadan.
Weerarkan oo dhacay bishii Ramadaan ayuu Maxamed wuxuu ku dilay 5 Ruux oo katirsan saraakiisha iyo Ciidamada sirdoonka Urdun kadib markii isago adeegsanaya bastoolad uu weeraray xafiis ku yaala magaalada Al-Buqca.