HomeAll newsRoobaab xoogan ayaa ka da’ay qaybo kamid ah dhulka Shaam.

Roobaab xoogan ayaa ka da’ay qaybo kamid ah dhulka Shaam.

441-1

Iyadoo la gaaray xilliga Dayrta ayaa qaybo kamid ah dhulk Shaam waxaa si xoog leh uga curtay roobabka kuwaas oo ay ku diirsadeen dadka Muslimiinta.

Gobollada Idlib iyo Xalab ayaa waxaa ka da’ay roobab waaweyn, kuwaas oo ay dadku si wanaagsan usoo dhaweeyeen, waxaana magaalada Xalab oo kale uu roobku ahaa mid si wanaagsan loo soo dhaweeyay maadaama diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamka ee hawada ku jira uu ka hor istaagay in si toos ah duqeymo ula dhacaan goobaha shacabka iyo Mujaahidiinta.

Sarkaal katirsan Jayshul Fatxi ayaa sheegay in daruurta cirka ku jirta awgeed ay diyaaradaha Ruushku si qaldan u duqeeyeen fariisimo ay ku sugnaayeen malleeshiyaadka Nidaamka iyo kuwa Rawaafida, waxaana halkaas ku gaaray khasaare kala duwan.

Dhanka kale roobabka ayaa meelaha qaar watay dabeylo xoogan taas oo gaystay waxyeelo aan sidaas usii badneyn, waxaana xeryaha qaxootiga ee dadka Muslimiintu ku jiraan laga soo sheegayaa in roobku dumiyay guryaha qaar oo teendhooyin ka sameysan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular